Quantcast
Channel: :::Iftiimiye
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10

Maamulka Degmada Waajid oo ka hadlay dagaal ay la galeen Shabaab

$
0
0

Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool  ayaa ka warbixiyay Dagaalo Saacado qaatay oo Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ku Dhexmaray Deegaanka Ceelbaar oo 20-KM u jirta Degmada Waajid.

Salaad Maxamed Ibraahin oo kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Waajid oo la hadlay Shabakadda Wararka Kulmiye ayaa sheegay in Dagaal ay la galeen Al-shabaab khasaaro Xoogan ay ku gaarsiiyeen,waxaana uu Tilmaamay in 47 kamid ah Shabaab ay dileen.

Salaad Maxamed ayaa intaa ku daray in Dhankooda  laga dilay 4 Askari 7 kalena laga dhaawacay oo Ciidamada Dowladda kamid ah.

Shalay ayey aheyd markii Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen  Degaanka Beelbaar oo Gobolka Bakool.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10

Latest Images

Trending Articles