Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, qarax baabuur ayaa ka dhacay Magaaladaasi oo khasaaro dhaawac ah geystay.
Baabuurkaan la qarxiyay ayaa waxaa lahaa Maxamed C/raxmaan Dhaban-cad oo u shaqeeya Hay’adda UNOCHa, xafiiskeeda Magaalada Gaalkacyo.
Xilliga qaraxa uu dhacaayay ayaa Maxamed Dhaban cad wuxuu ka degay baabuurkiisa, markii uu degay ayuu qaraxaan dhacay, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah oo soo gaaray dad maraayay goobta qaraxa uu ka dhacay.
Sidoo kale waxaa qaraxaan ku dhaawacmay dad la saarnaa Baabuurka Maxamed Dhaban-cad oo la sheegay inay haween yihiin, kuwaasi oo dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.
Qaraxan ayaa ka dhacay nawaaxiga Hoteel Gaalkacyo ee Bartamaha Magaaladaasi, ilaa hada lama oga cida ka dambeysay qaraxan uu ka bad-baaday masuulkaan Hay’adda UNOCHA ka tirsan.
Dhawaan ayeey aheyd markii Magaalada Garoowe lagu qarxiyay bas ay la socdeen Shaqaalo ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Gaalkacyo.
